blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Caalamka kale RSS Feeds RSS

Shiinaha oo ka hadlay Markab la Afduubtay

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay qaadi doonaan talaabooyin lagu soo furan doono markabka Shiinaha ee la afduubtay

Wadaag

Afhayeen u hadlay wasaarada Arrimaha Dibeda ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in Shiinuhu ay intii karaankooda ah samayn doonaan sidii ay u sii deyn lahaayeen shaqaalaha saaran markab maalinimadii shalay lagu afduubtay biyaha Soomaaliya.

Howgalka ka dhanka ah burcad-badeedda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in markabkan lagu magacaabo De Xin Hai  lagu qabsaday badweynta hindiya, meel 650 KM waqooyi bari kaga toosan jaziiradaha Seychelles oo biyaha Somaliyana u jirta 1.300 km.

Burcad-badeedda ayaa ku hanjabay inay dilayaan dhamaan 25 shaqaalaha ee saaran markabkaasi hadii ciidamada Badda ee Shiinuhu ay isku dayaan talaabo ay ku bad-baadinayaan shaqaalahaasi.

Waa markabkii sadexaad ee bishan gudaheedu ay burcad-badeeddu afduubtaan, kadib dhowr jeer oo afduub ah oo u suuragali waayay.
Burcad-badeedda ayaa afduubtay dooni Spain laga leeyahay oo ay saarnaayeen 36 shaqaale ah bishan labadeedii iyo markab xamuul ah oo watay calanka Singapore oo ay isna saarnaayeen 21 shaqaale ah maalintii khamiista.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale