Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan toddobaadkan ku eegeynaa macnaha xagga luqadda ah, iyo waliba midka siyaasadeed ee uu xambaarsan yahay ereyga argagixisanimada, oo ah mid ay warbaahinta Reer Galbeedku si weyn ugu lamaaneeyaan diinta Islaamka.
Haddii aan ku hormarno erey-bixinta xagga luqadda ah, qaamuuska Oxford oo ah kan ugu afka dheer luqadda English-ka, wuxuu argagixisanimo ku qeexaa: isticmaalka falal rabshado iyo qalalaase xooggan wata, kana dhan ah dad rayid ah, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu gaaro hadaf siyaasadeed.
Laakiin qeexiddaas la iskuma raacsana, gaar ahaan xilligan casriga ah. Daraasad uu sameeyey machad raacsan millatariga Mareykanka sanadkii 1988-dii, ayuu ku ogaaday in 100 siyaabood ka badan loo qeexo ereyga argagixisanimada.
Dr. Noam Chomsky, oo ah khabiir looga dambeeyo erey-bixinta, macallina ka ah jaamacadda MIT ee dalkan Mareykanka, ayaa mar la weydiiyey qeexidda argagixisanimada, wuxuu sheegay in sida loo isticmaalo xilligan casriga ah ay tahay mid siyaasadeysan, oo dowlad walbaayi ay ku dhantaaleyso sumcadda kooxaha ay is-hayaan, isla markaana ay ku banneysaneyso dhiiggooda.
Professor Chomsky wuxuu yiri ma jirto cid si sax ah u isticmaasha
“Maxaa yeelay haddii macnaha dhabta ah ee siyaasadda ka maran ee ereyga argagixisanimada.
qeexiddaas la isticmaalo, durbadiiba Mareykanku wuxuu noqonayaa argagixisada ugu weyn caalamka. Ingiriiskuna sidoo kale.”
Inkastoo sharciga Mareykanka uu ku qeexayo argagixisanimada si aad ugu dhow qeexidda qaamuuska Oxford, haddana Dr. Chomsky wuxuu si jeesjees ku dheehan yahay u yiri:
“Macnaha dhabta ahi wixii iyagu nagu sameeyaan oo kaliya ayuu qabtaa, ee wixii aan annaga sameyno ma qabto.”
Biyo-dhaca hadalka Dr. Chomsky waa in Reer Galbeedku ay argagixiso u aqoonsan yihiin falalka iyaga iyo taageerayaashooda loo geysto, falalka ay iyaga iyo taageerayaashooda geystaanna aysan argagixiso u aqoonsaneyn.
Laba wajiilanimadaasi ma ahan mid cusub. Ereyga argagixisanimada lagu yiraahdo afka English-ka, oo ah “Terrorism,” wuxuu sanadkii 1795-tii maskaxdiisa kasoo maaxday Edmond Burke oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska. Wuxuu argagixiso ugu yeeray kooxdii Jacobins la oran jiray ee horseedday kacaankii Faransiiska. Kooxdaasi waxay xasuuqday boqollaal kun oo qof. Mr. Burke waxaa durbadiiba ereygaas ka min-guuriyey hoggaamiyayaashii kacdoonka Faransiika, oo u isticmaalay kooxihii kasoo horjeeday.
Qarnigii lasoo dhaafay-na, waxaa argagixiso lagu sifeyn jiray Nelson Mandella, Dr. Martin Luther King iyo Yasir Carafaat, oo dhammaantood ku guuleystay abaal-marinta ugu sarreysa ee nabadda caalamka, ee Nobel-ta loo yaqaanno.
Sanadihii ugu dambeeyey, waxaa aad u kordhay lamaaneysiinta Islaamka iyo argagixisada. Waxaa soo ifbaxay weero ay kamid yihiin: Argagixisada Islaamiga ah.
Mararka qaar, waxaa dhacda in masuuliyiin Reer Galbeed ahi ay yiraahdeen: Muslimiinta oo dhan argagixiso ma ahan, laakiin argagixisada oo dhami waa Muslimiin.
Sifadaasi waxaa qadaf iyo aflagaaddo mutaxan u arkay Muslimiin badan oo ka dhiidhiyey. Muslimiintaas waxaa kamid ah: Dr. Daakir Naik, oo ah diin-fidiye laga yaqaanno dalka India. Wuxuu soo uruuriyey xog muujineysa in, haddii ereyga argagixisanimada sida uu yahay ah loo qeexoo, in dad aan Muslimiin aheyni ay geysteen falalka ugu foosha xun ee taariikhda soo maray. Waxaan kamid ah: nuclear-kii uu Mareykanku ku aamusiyey Heroshima iyo Nagasaki, dagalkii labaad ee dunida.
Dr. Daakir oo ka hadlaya arrintaas-na wuxuu yiri.
“Marka aan eegno xogta, qarnigii 19-aad, wey adag tahay in lasoo helo falal argagixiso oo ay Muslimiintu geysteen.”
Muranka ka taagan qeexidda argagixisanimada, waa mid laga dheehan karo saaxadda siyaasadeed ee caalamka. Ururrada Xamaas iyo Xizbullah, oo dunida Carabta iyo Islaamka looga arko xaq u dirir, waxay Reer Galbeedka ugu sumadeysan yihiin ururro argagixiso.
Laakiin waxaan la dafiri karin inay jiraan kooxo Muslimiin ah, oo rumeysan in argagax-galinta dadka aan iyaga ku fikirka aheyn, inay tahay waajib rabbaani ah. Waxayna soo daliishadaan aayado ku jira qur’aanka, oo ay kamid tahay aayaddan, oo qeyb ahaan ka hadlaysa xeelado dagaal.
Si kasta oo loo eego, ereyga argagixisanimadu waa sidii margiga oo kale: Ninna si u dheh, ninna u qaaday.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale