Diinta ka saaridda qofka Muslimka ah ma ahan mid ugub ku ah umadda Islaamka, balse waxay inteeda badan soo if-baxday horraantii lixdameeyadii, markii uu madaxweyne Jamal C/nasir-kii Masar, uu culimo fara badan oo ka tirsanaa Ururka Akhwaanul-Muslimiinka dalkaas, uu ku ciqaabay xabsiyada dalkaas. Culimadaas, oo uu horkacayey Sayid Qudub, ayaa markii ay u dulqaadan waayeen jirdilkii loo geysan jiray, waxay iftoodeen in dowladdii Jamal C/nasir ay ka baxday diinta Islaamka, waxaana la rumeysan yahay in fikirka takfiirku uu halkaas ka hana-qaaday, inkastoo uu markii dambe ku fiday caalamka oo dhan.
Dadkii fikirkaas kasoo aflaxay waxaa kamid ah Dr. Ayman Al-Thawahiri, ku xigeenka ururka Al-Qaacida, oo isagana siddeetameeyadii lagu jirdilay xabsiyada dalka Masar.
Laakiin inta badan culimada Islaamka ayaa qaba in xanuun kasta oo loo geysto qofka Muslimka ah, ay adag tahay in qof kale oo heysta diinta Islaamka laga saaro diinta Alle.
Aragtida Culimada
Culimada badankood waxay qabaan in marka uu qofku ku dhawaaqo ashahaadada, ama uu qofku ku dhashay diinta Islaamka, inuu markaas si qumaati ah usoo galay xeyn-daabka Islaannimada, ayna adag tahay in ruux kale uu qofkaas afkiisa uga saaro diinta Islaamka.
Si kale haddii loo dhigo, culimadu waxay qabaan in Islaamidda, iyo ka bixidda Islaamku-ba ay yihiin xiriir ka dhaxeeya shakhsiga iyo Alle.
Dr. Yusuf Al-Qaradaawi, waxaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay culimada ugu aqoonta badan diinta Islaamka ee xilligan nool. Wuxuu yiri, qofka bani’aadamka ah, isaga ayaa naftiisa u doorta iimaanka. Haddii uu jiro buu yiri wax ku khasbay, ma ansaxayo iimaankaas.
Dr. Qaradaawi wuxuu intaas raaciyey: “Asalka iimaanku waa midka qalbiga.” Sidaas daraaddeed, Sheekhu wuxuu qabaa in qof kale uusan ogaan karin waxa ku qarsoon qalbiga qofka kale.
Islaannimada iyo Shahaadada
Wuxuu tusaale usoo qaatay saxaabigii Usama Ibn Zayd, ee isagoo Jihaad ku jira dilay nin ay iska soo horjeedeen, oo markii uu seefta u baaciyey ku dhawaaqay Shahaadada.
Dhacdadaas markii loo sheegay nabi Muxammad, NNKH, si weyn ayuu uga dhiidhiyey, isagoo wajigiisuna uu gaduutay. Wuxuuna nabigu weydiiyey saxaabigii Usama Ibn Zayd: Maxaad ka yeeli doontaa kalimada Shahaadada, marka lagu horkeeno maalinta aakhiro?
Sheikh Qaradaawi wuxuu yiri: tusaalahaasi waa midka ugu weyn ee caddeynaya in Shahaadadu ay tahay iridda laga soo galo xeyndaabka Islaamka, kaas oo haddii uusan qofku ka laaban Shahaadada, aan marnaba la gaaleyn karin ayuu yiri. Wuxuu Sheekhu yiri: gaalnimadu waa shey kasoo horjeeda iimaanka.
Sheikh Yusuf Al-Qaradaawi waxaa la weydiiyey sida uu uga jawaabayo aayado fara badan, iyo axaadiis aan tiro yareyn, uu muujinaya in qofku uu diinta uga bixi karo haddii uu tusaale ahaan salaadda ka tago?
Dr. Qaradaawi wuxuu yiri: diin-ka-baxa lagu sheegay lafdiga aayadahan, looma jeedo kii looga baxayey gabi ahaan diinta. Laakiin waxaa loola jeedaa in dadka lagu cabsiiyo, looguna gooddiyo in ku dhicidda dambiyada waaweyn, sida gogol-dhaafka iyo cabidda khamrada, inay horseedi karaan diin-ka-bixii weynaa.
Sheekhu wuxuu soo daliishaday xadiis oranaya qofka Muslimka ahi ma gogol-dhaafo, khamrana ma cabbo isagoo iimaankiisu uu dhameystiran yahay. Waxaa xadiiskaas lagala dhex bixi karaa buu yiri, in qofka Muslimka ah uu iimaankiisa is-dhimi karo, balse taas macneheeda ma ahan gaalnimo soo mutaxan.
Takfiir: Aalad siyaasadeed
Fikirka diin iska saaridda ayaa sanadihii ugu dambeeyey noqday aalad siyaasadeed, oo ay isticmaalaan qaar kamid ah urur-diimeedyada ka jira caalamka Islaamka, ee ku kacsan dowladaha dalkooda. Somalia ayaa kamid ah dalalkaas.
Sheikh Qaradaawi waxaa la weydiiyey sida looga hortagi karo mushkiladda takfiirka, ama diin ka saaridda qofka Muslimka ah. Wuxuu yiri ma ahan mid xabbad, ama xabsi ama xeelad kale lagu dabiibi karo.
Dr. Qaradaawi wuxuu yiri: “Waxaa lagu dabiibi karaa caddeyn iyo daliil ku saleysan diinta Islaamka. Fikrad waxaa lagula diriraa fikrad kale.”
Sheikh Qaradaawi oo la weydiiyey waanada uu usoo jeedin lahaa kooxaha dadka Muslimka ah diinta ka saara, wuxuu aad uga digay mayal-adeygga iyo in diinta Islaamka mar walba laga eego dhanka adag, iyadoo la iska indha tirayo qeybta raxmaddu ku dheehan tahay.
Dr. Qaradaawi wuxuu leeyahay: “Mayal-adeygga iyo ku fogaanshaha diinta waa wixii halaagay umadihii hore, haddana halaagaya, mustaqbalkana halaagi doona.” Wuxuuna taas usoo daliishaday xadiis taas ka digaya.
Culimada Islaamka ayaa isku raacsan yihiin in qofka soo gala xeyndaabka Islaamka, aysan sinnaba u bannaaneyn in dhiiggiisa lagu xalaaleysto, iyadoo diinta laga saarayo. Waxay kaloo isku raacsan yihiin in diin ka saariddu ay iyaduba tahay dambi kale, oo Alle agtiis u dhigma, ama ka daba dhow in qofka dhiiggiisa la daadiyo.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale