blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Caalamka kale RSS Feeds RSS

Amuuraha Islaamka: Dimoqraadiyadda iyo Islaamka 

Wadaag

Barnaamijka Amuuraha Islaamka waxaan toddobaadkan ku eegeynaa mowduuc xasaasiga ka ah qeybo kamid ah caalamka Islaamka, kaas oo ku saleysan booska hannaanka dimoqraadiyadda ugu bannaan diinta Islmaamka. Labada mabda’a ma yihiin kuwa is-qaadan kara, ama mise waa kuwa si dabiici ah isku diiddan?

Inta aan su’aalahaas laga jawaabin, waxaa muhiim ah in la qeexo dimoqraadiyad. Prof. Samuel Hantington, oo kahor intii aanuu geeriyoon toddobo bilood kahor ahaa khabiir lagu qaddariyo culuumta siyaasadda, macallinna ka ahaa Jaamacadda Harvad ayaa sidan ku qeexay sidan:

Wuxuu yiri: “Waxay ila tahay in badankeen aan dowlad ku sifeyn karno mid dimoqraadi ah, haddii inta badan shakhsiyaadka ugu awoodda badan lagu soo xushay doorasho xor ah, taas oo si hufan oo xor ah ay musharrixiintu ugu tartami karaan jagooyin bannaan, iyadoo waliba inta badan shacabkuna ay ka qeyb qaateen doorashadaas, kaddibna codadkii inta si cadaalad ah loo tiriyo, qofkii guuleysta uu awoodayo inuu jagadii si caqabad la’aan ah ula wareego.”

Si kale haddii loo dhigo, nuxurka dimoqraadiyaddu waa hannaan ay dadku isku taliyaan, oo ay xushaan cidda iyo sida loogu talinayo.

Haddaba, culimada Islaamka qaar ayaa qaba in taasi ay si toos ah uga hor imaaneyso tiirarka Islaamka, oo ku saleysan hadalka Alle, oo sida ay wadaadadaas qabaan, ah mid aan lagu barxi karin talo bani’aadam.

Ha yeeshee dooddaas dhowr siyaabood-ba waa loo buriyey.

Waa marka horee, khubarada ku xeel-dheer mowduucan waxay qabaan in, inkastoo ay dimqoraadiyadda casriga ah asal ahaan tahay fikrad ay dhidibbada u aaseen Reer Galbeedka, haddana inay jiraan aayado iyo axaadiis bidhaaminaya in Islaamku uu ku qotomo doonitaanka dadka.

Dr. Noah Fedlman, oo ah sharci-yaqaan macallin ka ah Jaamacadda Harvard, buugaag fara badanna ka qoray taariikhda Islaamka, ayaa rumeysan in aayadda oreneysa “Wa’amruhum Shuuraa Baynahum,” oo macneheedu yahay in talada ay ka dhaxeyso Muslimiinta dhexdooda, in aayaddaas, iyo waliba hannaanka Ahlul-Xalli Wal-Caqdiga ay labadooduba astaan u yihiin in Islaamku uu dimoqraadiyadda kaga horreeyey Reer Galbeedka, laakiin Reer Galbeedku ay magacan dimoqraadiyadda si weyn u suuq geeyeen.

Dr. Feldman wuxuu yiri: “Mabaadi’ida Dimoqraadiyaddu ma ahan kuwa asal ahaan kasoo horjeeda mabaadi’ida Islaamka.”

Marka laga soo soo-jireenka dimqoraadiyadda ee taariikhda Islaamka, khubarada casrigan oo ay ku jiraan Fedlan iyo Huntington, waxay soo daliishadaan dalal Islaam ah oo ay dimoqraadiyadduna heersare ka gaartay.

Waxaa kamid ah Turkiga, Malaysia, Indonesia, Bangaladesh iyo kuwa kale oo fara badan. Dr. Feldman wuxuu qabaa in inta badan Muslimiintu ay isku raacsan yihiin in Shareecadu ay aasaas u noqoto dastuurka dalalkooda, haddii-ba aysan noqon midda hageysa. Xitaa dalalka aan dimoqraadiga aheyn, sida Masar & Urdun, waxaa dastuurkooda ku cad inuusan ka hor imaan karin Shareecada Islaamka.

Dr. Fedlan wuxuu qabaa mar haddii taas la xaqiijiyey, aysan jirin baqdin ah in dadku ay dastuurka beddelaan, oo ay qaataan sharci kasoo horjeeda diinta Islaamka.

Marka la eego caalamka Islaamka, dalalka Islaamka ah ee aan Carabta aheyn ayaa u badan kuwa dimoqraadi ah. Prof. Huntington wuxuu sheegay in Iran, oo Reer Galbeedka looga arko dal xagjira, inuu leeyahay hannaan dimqoraadi ah, oo ay dadku si xor ah ugu soo doortaan madaxdooda, inkastoo taas lagu kaabay Hoggaamiye Sare oo awood badan.

Prof. Huntington iyo Dr. Feldman waxay isku raacsan yihiin in marka laga hadlayo casrigan hadda la joogo, in axsaabta Islaamiyiinta ah ay dani ugu jirto hannaanka dimoqraadiyadda, maadaama ay guulo kasoo hooyeen dalal Muslim ah oo ay doorasho ka dhacday, sida Turkiga, Algeria & Falastiin.

Hamza Yusuf, oo ah caalim Muslim-Mareykan ah, ayaa ku canaantay Reer Galbeedka inay qeyb ka yihiin inay shucuubta Muslimiinta nacsiiyaan dimoqraadiyadda, kaddib markii ay sanadkii 1992-kii maleegeen shirqoolkii looga takhallusay doorasho xor ah oo ka dhacday Algeria, kaddib markii ay caddaatay in axsaab Islaamiyiin ahi ay ku guuleysanayaan. Sanadkii 2005-tana, maamulkii hore ee Madaxweyne Bush ayay u cuntami weyday guushii ururka Xamas ee doorasho dimqoraadi ah oo ka dhacday dhulka Falastiiniyiinta. Maamulka Bush oo markii hore u dig iyo damleeyey in doorashadaasi qabsoonto, si aan qarsoodi laheynna u taageeray xisbiga Cilmaaniga ah ee Fatax, ayaa ganafka ku dhuftay natiijadii.

Xamza Yusuf oo taas ka hadlayna wuxuu yiri:

“Dowladdeena dimoqraadiga ah ee Mareykanka, ayaa xagal-daacisay dowlad Muslim ah oo si dimoqraadi ah loo soo doortay.”

Dadka u kuur gala amuuraha Islaamka waxay isku waafaqsan yihiin in haddii ay maanta doorasho ka dhacdo dal Muslim ah, in shacabku ay si aan kala har laheyn ugu codeynayaan axsaab Islaami ah oo qunyar socod ah. Waana taas malaha midda ay qaar kamid ah Reer Galbeedku ay hurdad ka ladi la’ayihiin.

Laakiin Dr. Noah Feldman wuxuu sheegay in Turkiga, oo uu hadda ka taliyo xisbi Islaami ah, inuu noqon karo tusaale wanaagsan. Waa xisbi hoggaamiya dal casri ah, dimoqraadi ah, Reer Galdbeedka jaal la ah, misana heysta astaantiisii Islaamiga aheyd. Xaasaska ay qabaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Turkiga, C/lla Gul iyo Rajib Ordogan, ayaa ah kuwa aan xijaabka oogadooda ka ridin.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale