Toddobaadkan barnaamijkeenna Amuuraha Islaamka, waxaan ku eegeynaa koror ku yimid tirada dadka aan Muslimiinta aheyn, ee u garsoor raadsanaya maxkamado Islaami ah, oo ku yaalla dalka Britain. Sida uu qoray wargeyska The Times of London Talaadadii, tirada dadka heysta diimaha aan Islaamka aheyn, ee doonaya in lagu kala saaro maxkamadaha Shareecada Islaamka ee dalka Britain, ayaa kor u kacday boqolkiiba shan sanadkan.
Dacwooyinka ay dadkani isku qabaan ayaa u badan kuwa madani ah, sida amuuraha qoyska, khilaaf dhaqaale iyo arrimo kale. Tusaale ahaan, nin aan Muslim aheyn ayaa bishii hore soo dacweeyey nin Muslim ah, oo ay isla leeyihiin goob ganacsi oo gawaarida lagu iibiyo. Ninka aan Muslimka aheyn ayaa sheegay in isaga iyo ninka Muslimka ah ee ay shirkada yihiin, inay heshiis aan qoraal aheyn ku galeen qaabkii ay u qeybsan lahaayeen macaashka ganacsigood, isagoo sheegay in ninka Muslimka ahi uu duudsiinayo macaashkaas.
Mid kamid ah 85-ta Maxkamadood ee Shareecada wax ku garsoora ee dalka Britain, ayaa ninkii aan Muslim-ka aheyn u go’aamisay lacag u dhiganta $90,000 oo uu ku sheegtay ninkii Muslimka ahaa.
Ninkii Muslim-ka ahaa ayaa aqbalay go’aankaas, sida uu ku sandulleynayo dastuurka dalka Britain. Dastuurka ayaa faraya dadka u garsoor raadsada Maxkamadaha Shareecada, inay ku khasban yihiin inay aqbalaan go’aanka ay maxkamadahaas gaaraan, iyadoo dowladduna ay ku khasban tahay inay fuliso go’aankaas.
Tan iyo sanadihii siddeetameeyadii, ayay dowladda Britain oggolaatay in jaaliyadaha qaar, sida Muslimiinta iyo Yuhuudda, inay sameysan karaan hannaan garsoor oo diimohooda ku qotoma, kaas oo lagu xalliyo inta badan amuuraha madaniga ah. Laakiin waxaa shardi looga dhigay in go’aamada maxkamadahaas aysan noqon karin kuwa ku xadgud-ba dastuurka dalka Britain.
Horraantii sanadkan, baadariga ugu sarreeya kaniisadda Englad, Dr. Rowan Williams, ayaa khudbad uu ka jeediyey maxkamadda sare ee England, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dastuurka Britain laga dhigo mid ay iska dhex arkaan dhammaan jaaliyadaha dalkaas, oo ay Muslimiintuna ku jiraan.
Wuxuu yiri: “Waxay u muqataa arrin aan laga fursan karin, waana xaqiiq jirta in qeybo kamid ah Shareecada laga aqoonsaday bulshadeenna, iyo waliba dastuurkeenna. Marka ma ahan inaan wax cusub keeneyno.”
Hadalka baadarigaas ayaa guux iyo guluf xooggan ka dhaliyey boqortooyada Britain, iyadoo loogu baaqay inuu is-casilo. Guuxaas ayaa xitaa ku khasbay xukuumadda Britain inay jawaabi bixiso. Wasiirka dhaqanka, Andy Burnham, ayaa hoosta ka xarriiqay in dastuurka Britain uu yahay biyo kama dhibcaan.
Wasiirku wuxuu yiri: “Waxaan ku doodayaa inaan sinnaba looga weecan karin mabaadi’ida aasaasiga ah ee dastuurka British-ka, kaas oo ah mid quruummo fara badan lasoo dhisayey.”
Dadka aan Muslim-ka aheyn ayaa Maxkamadaha Shareecada ku door-biday laba qodob oo aasaasi ah: Kow: sahalka go’aan gaarista maxkamadahaas, iyo yaraanta kharashka ku baxaya oogista iyo dhageysiga dacwadaha.
Maxkamadaha Reer Galbeedka ayaa lagu karaahiyeystay caga-jiid iyo kharash fara badan oo dhibbanaha iyo eedeysanaha-ba uga baxa qareennada. Maxkamadaha Shareecada-na waxaa lagu xushay barax-tirnaanta caddeymaha looga baahan yahay dhinaca wax eedeeya. Tusaale ahaan, Maxkamadaha Reer Galbeedku waxay oggolaadaan in caddeyn ku saleysan duruufo is-biirsaday lagu xiri karo eedeysanaha, halka Shareecadu ay waajib-yeeleyso in la helo caddeyn ku saleysan markhaatiyaal si mugdi la’aan ah indhohooda u saaray fal-dambiyeed socda.
Maxkamadaha Shareecada ee dalka Britain, oo awooddooda garsoor ay hadda aad ku xakameysan tahay, ayaa doonaya in taa wax laga beddelo.
Ibrahim Morga, waa masuul sare oo ka tirsan Golaha Muslimiinta ee dalka Britain.
Ibrahim wuxuu yiri: “Waxaan dooneynaa in laga doodo sidii dastuurka Britain meel looga banneyn lahaa inyar oo kamid ah xeerarka qoyska iyo kuwa madaniga ee Diinta Islaamka. Xeerarkaas oo la xiriira guurka, furriinka, dhaxalka iyo wixii lamid ah.”
Qaar badan oo kamid ah Reer Galbeedka ayaa markii uu sanadkii hore isku dhex daatay hannaanka dhaqaale ee caalamka, waxay ku baaqeen in hey’adaha dhaqaalaha ee Reer Galbeedku ay cashir ka bartaan hannaanka dhaqaale ee aan dul-saarka ku saleysneyn ee Islaamka, kaddib markii bangiyada hannaankaas ku dhaqma ay inta badan ka badbaadeen musiibada dhaqaale.