blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Caalamka kale RSS Feeds RSS

Barnaamijka Amuuraha Islaamka iyo Manhajka Sucuudiga

Wadaag

Wasaaradda waxbarashada Sacuudiga ayaa wareegto ay dhawaan soo saartay waxay amar ku bixisay in ereyga Jihaad-ka, iyo weerta Al-Wala’a Wal-Bara’a, oo macneheedu yahay in Muslimiintu ay bari ka noqdaan diimaha kale iyagoo waliba taladooda u dhiibanaya diinta Islaamka, in labadaas qodob laga sifeeyo dhammaan buugaagta lagu barto iskuullada dalkaas.

Go’aankan ayaa soo baxay kaddib markii dowladaha Reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanku uu aad ugu canaantay Sucuudiga in manaajita waxbarashada dalkaas ay u durbaan tumaan colaad ka dhan ah dadka aan Muslimiinta aheyn, waliban dhiirri galiyaan dagaal ka dhan ah dadkaas.
 

Eedda Reer Galbeedka
 

Reer Galbeedku waxay soo daliishadeen in 15 kamid ah 19-kii nin ee fuliyey weerarradii 11-kii September 8-sano kahor, inay kasoo jeedeen Sucuudiga, iyagoo ahaa beey yiraahdeen dhallinyaro lagu soo barbaariyey naceyb gaamuray oo ka dhan ah dadka aan Muslimka aheyn. Malaayiin carruur ah oo dalkaas ku nool ayaa wali maskaxdooda curdanka ah lagu naqshadeeyaa fikirka Jihaadka, sida ay rumeysan yihiin dowladaha Reer Galbeedka.
Mudanayaasha ka tirsan Congress-ka Mareykanka ee sida weyn uga dhiidhiyey xarfaha Jihaad-boorrinta ah ee ka buuxa manaahijta Sucuudiga waxaa kamid ah Anthony Weiner, oo laga soo doorto gobolka New York.
“Wuxuu yiri waxaa arday da’adoodu aysan 15-jir ka badneyn la baraa in la gaari doono xilli ay xitaa geeduhu ugu baaqi doonaan ruuxa Muslimka ah, inuu dilo qof Yuhuud ah oo ku hoos gabbanaya geedkaas. Waa taas buu yiri naceybka la baro ardayda.”
 

Qorshaha Sucuudiga
 

Laakiin Sucuudiga ayaa markii hore ka caga-jiiday inuu ereyada Jihaadka ka idleeyo manaahijta waxbarashada, maadaama ay yihiin kuwa ku xusan diinta Islaamka. Ha yeeshee, markii ay kooxda Al-Qaacida dardar galisay weerarrada ay la beegsaneyso halbowlaha Sucuudiga, ayuu boqor Cabdallaha dalkaas wuxuu go’aansaday inuu lacag gaareysa $2.4 bilyan oo dollar ku kharash gareeyo casriyeynta manaahijta waxbarashada Sucuudiga.
Waxayse tallaabadaasi u cuntami weysay qaar kamid ah culimada waaweyn ee Sucuudiga, oo iyagu ereyga casriyeynta ka dhex dheehday gaaleysiin dahaaran.
Culimo diiddan, iyo kuwa doonaya
 

Sheikh Musa Bin Max’ed Al-Qarni ayaa yiri: “Annagu hadda waxaan gaarnay heer aan dambi ka dhigno qofkii ku baaqa in Muslimiintu ay Jihaadka ku barbaaraan. Waxaaba dhici karta inaan taas ku sifeyno argagixiso, mayal-adeyg iyo xagjirnimo.”
Laakiin waxaa jira culimo kale oo waaweyn, oo iyagu garowsday in ereyga Jihaadka la fasir-xumeeyey waayadan dambe, iyadoo lagu banneysanayo dhiigga dad aan waxba galabsan, oo waliba Muslimiin u badan.
 

Dr. Salman al-Cawdah, oo ah sheekh magac qoto-dheer ku leh wadaadda Sucuudiga, walibana ah Sheekh mar dhalleeceeyey qoyska reer boqor, xabsina ku muteystay, ayaa muxaadaro uu dhawaan jeediyey wuxuu aad u cambaareeyey hurinta colaadaha iyo kicinta fidnooyinka. Wuxuuna si toos ah ula hadlay hoggaamiyaha Al-Qacidah, oo uu sheegay in ololaha jihad ee uu horkacayo, uu dhaawacayo sumcadda hufan ee diinta
 

“Waxaan toos ula hadlayaa walaalkey Usama. Waxaan ku leeyahay: Imisa ayaa dhiig la daadinayey? Imisa ayaa dad aan waxba galabsan, oo isugu jira dumar, carruur, odayaal, ayaa lagu laayey, ama lagu barakiyey magaca Al-Qaacida? Ma waxaa ku farax-galineysa inaad Alle la kulanto, adigoo dhabarka ku sida eedda dadkaas malaayiinta gaaraya?”
Manhajka Wahaabiga
 

Wasaaradda waxbarashada ee Sucuudiga waxaa gacanta ku haya saraakiil iyaguba wax ku soo bartay dugsiyada iyo jaamacadaha Sucuudiga, kuwaas oo laga dhigo manhaj ku saleysan fasirka uu diinta Islaamka ka bixiyey Sh. Max’ed Ibn. C/wahab, oo ahaa wadaad ay boqortooyada Sucuudiga isla oodeen C/caziiz Ibn Sucuud, boqorka dhalay ubadka u taliya dalkaas.
 

Manhajka Sucuudiga, oo dadka qaar ugu yeeraan Manhajka Wahhabiga, wuxuu ku faafay caalamka Islaamka nus-qarnigii ugu dambeeyey, kaddib markii ay boqortooyadu balaayiin dollar ku bixisay suuq-geyntiisa. Waxaana loo arkaa inuu yahay mid ku jaan go’an dhaqanka xirxiran ee Carbta. Intaas waxaa dheer in loo aaneeyo inuu waraabiyo fikirka Jihaad doonka ah ee caalamka ku fiday.
 

Waxaase la oddorosi karaa in isbeddelka lagu sameynayo manhajkaas uu qeyb ahaan dabiibi karo fikradaha dagaal-doonka ah.
 

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale