Diblomaasiga ugu sarreeya dalka Israel ayaa sheegay inaysan suurta-gal aheyn in heshiis nabadeed oo lala gaaro Falastiiniyiinta
Diblomaasiga ugu sarreeya ee dalka Israel ayaa sheegay inaysan suurta-gal aheyn in heshiis nabadeed oo qoto-dheer lala gaaro Falastiiniyiinta sanadaha soo socda.
Wasiirka arrimaha dibadda, Avogdor Lieberman, ayaa u sheegay idaacadda Israel Khamiista maanta, in labada dhinac ay la gudboon tahay inay gaaraan heshiis kumeel gaar ah, dibna u dhigtaan xallinta khilaafaadka arrimaha dhibka badan.
Lieberman ayaa lagu wadaa inuu maanta la kulmo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka ku qaabilsan dhexdhexaadinta Falastiiniyiinta iyo Israle, George Mitchell. Mr. Mitchell ayaa imminka ku sugan Israel, si uu isugu taxallujiyo dib u soo nooleynta geeddis socodka nabadda.
Mitchell ayaa sidoo kale la kulmaya madaxweynaha Israel, Shimon Perez iyo ra’iisul wasaaraha dalkaas, Benjamin Natanyahu. Kaddibna wuxuu u socdaali doonaa magaalada Ramallah, halkaas oo uu kula kulmi doono masdaxweynaha Falastiinyiinta, Maxmuud Cabbaas.
Booqashadiisa ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay rabshado soo noqnoqday hareeyeen magaalada Qudus, kuwaas oo la xiriira masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, iyo darbiga galbeed ee ay Yuhuuddu barakeystaan.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale