Eng Yariisow oo ah wasiirka lacagta ee dowlada Somalia ayaa VOA uga warramay miisaaniyada golaha wasiiradu ansixiyeen
Eng. Yariisow
Wasiirka Lacagta ee dowladda Somalia C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa wareysi u siiyay VOA kaga warramay miisaaniyada ay gollaha wasiiradu shalay ansixiyeen.
Eng Yariisow wuxuu sheegay in miisaaniyada la ansixiyey oo dhan tahay 55 million oo dollar loogu talagalay dakhliga ku baxaya dowlada muddo lix bilood ah oo ka soo bilaabmaysay bishii July ilaa December.
Wasiirka lacagtu wuxuu sheegay in miisaaniyadaasi ay dowladiisu u qorsheysay inay ku timaado laba qeybood oo kala ah in 20% laga soo uruuriyo dakhliga dowlada Somalia ka soo gala canshuuraha laga uruuriyo dekada iyo garoonka diyaaradaha, iyadoo 80% ay ka imanayso dowlada deeqda bixiya.
Wareysiga wasiirka lacagta Eng. Yariisow midigta sare ee boggan ka dhagayso.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale