blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Soomaaliya RSS Feeds RSS

Taliye Somaliland ah oo Qarax Lagu Dilay

Taliyaha qeybta 12-aad ee ciidanka Somaliland ayaa lagu dilay qarax xooggan oo lala beegsaday gaarigiisa, magaalada Laasacaanood.

Wadaag

"Qaraxa waxaa ka dambeeyey cadowga Somaliland," wasiirka gaashaandhigga Somaliland

Taliyaha qeybta 12-aad ee ciidanka Somaliland, Cismaan Yusuf Nur ayaa subaxdii Axadda lagu dilay qarax xooggan oo lala beegsaday gaarigiisa, bartamaha magaalada Laasacaanood. Laba askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo dhowr qof oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka gaashaandhigga ee Somaliland, Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa xaqiijiyey geerida taliyaha, wuxuuna ku eedeeyey kooxo uu ku sifeeyey "cadowga Somaliland."

Ma jirto cid sheegatay qaraxaasi. Ha yeeshee wuxuu noqonayaa markii ugu horreysay tan iyo markii Somaliland ay dib ula wareegtay gacan ku heynta magaaladaas, oo masuul heerkaas ah la khaarijiyo.

Laasacaanood, iyo qeybo kamid ah gobollada Sool iyo Sanaag, waa gobollo ay ku muransan yihiin labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale