Dowlada KMG ayaa dib u howl-galisay Idaacaddii Radio Mogadishu oo in muddo ahba hawada ka maqnayd
Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa dib u howl-galisay idaacaddii Radio Muqdsiho, oo muddo dhowr iyo toban sano ah hawada ka maqneyd. Idaacadda ayaa laga dhageysan karaa hirararka FM-yada, inta u dhaxeysa magaalooyinka Marka, dhanka koonfureed, iyo Warshiikh, dhanka waqooyi, sida uu VOA-da u sheegay wasiirka warfaafinta, Dahir Max'ud Geelle.
Idaacaddan ayaa hawada ku jireysa muddo 18-saac ah maalin walba, waxaana ka baxaya barnaamijyo isugu jira kuwo aqooneed iyo kuwa warar iyo warbixinno wata.
Tafatiraha cusub ee idaacaddan, C/raxman Yusuf "Al-Cadaala," ayaa VOA-da u sheegay in idaacaddu aysan noqon doonin mid ku hadasha codka DKMG ah, balse ay noqon doonto mid dhexdhexaad ah, oo, sida uu yiri, oggolaan doonto in maqlo codadka mucaaradka "doonaya inay wax dhisaan."
Balse wuxuu sheegay inaan la oggolaan doonin in la sii daayo codadka mucaaradka "wax dumiya."
Dib u howl-galinta idaacaddan ayaa shaki la'aan qeyb libaax leh ka qaadaneysa soo nooleynta aragtida laga heysto dowladda, waxayna fursad u siineysa dowladda inay tartan xagga warbaahinta iyo borobogaandada ah la gasho kooxaha kasoo horjeeda.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale