blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Soomaaliya RSS Feeds RSS

Burcad-badeedda oo qabsaday laba qof oo British ah

laba qof oo lamaane ah oo u dhashay dalka Britain ayaa burcad-badeedda Somaalidu ay ku qabsadeen badweynta Hindiya.

Wadaag

Burcad-badeedda Somalida ayaa sheegtay in ay qabsadeen nin iyo naag is qaba oo Britian ah oo ku safrayay biyaha Africada bari.

Waxaa burcad –badeeeda aay talefoon ugu sheegeen wariyayaasha in aay gacanntooda ku jiraan nin iyo haweeneey aay ka soo qabsadeen badda Indian Ocean, waxaana aay sheegeen in aay labaduba caafimaad qabaan, taasina aay daba socto madax furasho in aay weeydiistaan.

Wariye Britain u dhashay ayaa caddeeyay in lamaanahaasi la kala yiraahdo Paul iyo Rachel Chandler da'doodana lagu qiyaasay konton jiro, iyagoo ku safarayay dooni kuwa lagu dalxiiso ah, waxeyna ka yimideen jaziiradaha  Seychelles iyagoo ku socday Tanzania.

Waxaa lamaanahaasi ay qeyladhaan soo direen kadib markii ay ka soo tageen Seychelles todobaadkii la so o dhaafay, hasa yeeshee aan ilaa iyo markaasi dib loo maqal.

Xafiiska arrimaha dibada ee Baritain ayaa sheegay in uu arrinta ka war helay uuuna baadhayo.

Burcad-badeeda Somalida ayaa ayaa weeraro dhowr ah hore u kaqaaday agagaarka Seychelles, jasaa,yiro badan oo ku yaala woqooyiga Madagaskar iyo koonfurta Somalia.

Dhinaca kalena wararka qaar ayaa sheegaya inuu xiriir u dhexeeyo Al-Shabab iyo budhcad badeedda Soomaalida ah. Dhinaca midig ka dhagayso waraysi aanu la yeelanay Nuur Xirsi Bahal oo ka faallooda arrimaha ururka Al-Shabab.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale