Ra'iisul-wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali ayaa magaalada London ee Britain ku kulmay wasiiro ka tirsan xukuumadda Britain
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa maanta magaalada London kulan kula qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Biritan David Milliband.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida ay dawladda UK gacan weyn uga gaysan lahayd dhismaha hay’adaha nabadgelyada ee Soomaaliya.
kullankaasi waxaa kaloo goobjoog ka ahaa xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Biritan u qaabilsan Afrika.
Wararka ku dhow kullankaasi ayaa VOA u sheegay in xukuumadda Britain ay u xaqiijisay Ra'iisul wasaare Sharma'arke inay soo dadajin doonaan gargaarka ay Britain siinayso Somalia
Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdigiisu waxay sidoo kale kullamo la qaateen qaar ka tirsan saraakiisha Britain u qaabilsan Africa.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid waxaa safarkiisa ku weheliya dhowr ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Iskaashiga Caalamiga ah, Boostada iyo Isgaarsiinta, Gaashaandhigga iyo Amniga.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale