blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Sabti, 20 March 2010
  • Wararkii ugu dambeeyay

Soomaaliya RSS Feeds RSS

Muqdisho:Dollar Been Abuur ah oo La Qabtay

Ciidamada amaanka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhiagay Hal Milyan oo doolar oo been abuur ah.

Wadaag

Gudaha Airpor-ka ayaa lagu soo bandhigay  lacagtaan doolarka been Abuurka ah ee loo yaqaano lacagta Madow taas oo ahyed  xirmo lagu soo duubay kartoon islamarkaana lagu soo riday boorso waxaana halkaasi goob joog ka ahaa Wasiiro iyo saraakiisha Amaanka booliska dowlada iyo kuwa Amisow.

Wasiirka lacagta ee DKMG, Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow),  oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in lacagtan ay qabteen Ciidamada Amaanka xilli ay  si sharci dara ah kaga dhoofi laheyd garoonka magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in la doonayay in howlo argagixiso lagu fuliyo ka dib marka laga dejiyo Magaalada Hargeysa oo loo waday, waxuuna dhinaca kale  amaan ujeediyey Ciidamada dowlada ee iyagu ku geelaystay inay gacanta ku dhigan lacagtaasi.
 
Inkasta oo lacagaha been abuurka ah la soo bandhigay hadana dowlada suurta gal uma noqon inay ogaato shaqsiyaadka lacagtaasi watay waxaana arintaasi ka hadlay Afhayeenka Booliska C/laahi Xasan Bariise oo sheegay in lacagtan ay ku jirto boorso amma shandad uu watay qof rakaab ah isla markaana ay dhar badan ka sareeyeen lacagta, waxaana uu tilmaamay in dadkii waday uu qorshahoodu ahaa in ay boorsadaasi diraan hase ahaate markii ay dareemeen in la fahmay ayaa la waayay meel ay mareen.

Dowlada ayaa sheegtay in ay horay u qabatay daawo ah kiimikada lagu dhaqo lacagtaaasi  si loogu ekeysiiyo dollar .
 

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)