Dekadda magaalada Muqdisho ayaa howlaheeda dib u bilawday kadib markii laga heshiiyey murankii sababay hakadkii shaqooyinka dekadda
Kadib khilaaf soo kala dhexgalay Ganacsatada Gobolka Banaadir oo wax kala soo dega dekedda iyo Maamulka Dekaddasai ayaa maanta lagu dhawaaqay in khilaafaakaasi xal laga gaadhay.
Maalimihii u dambeeyay ayaa waxaa ay wada hadallo u socdeen DFKMG iyo Ganacsatada , wadahadladaasii ayaa la isku afgartay in xal laga gaadho cabashooyinkii jiray.
Wasiirka Kaluumaysiga iyo Qayraadka badda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda KMG Soomaaliya Pro C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo suxufiyiinta kula hadlay gudaha dekadda wayn ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in la soo afjaray qilaafkii u dhaxeeyay ganacsatada iyo mas’uuliyiinta dekadda islamarkaana dowladdu ay baari doonto badeecooyinka ay u aragto in ay baaritaan u baahanyihiin.
Sidoo kale Gudoomiyaha Ganacsatada Gobolka Maxamuud Cabdi Kariim Gabeeyre ayaa isna cadeeyay in la soo afjaray qilaafkii islamarkaana ay isku afgarteen Mas’uuliyiinta dowladda iyo iyaga in baaritaano lagu sameeyo badeecooyinka soo dagaya.
Dakada Muqdisho ayaa ku dhawaad xidhnayd muddo Sagaal maalmood kadib markii ganacsatada banaadi ay ku dhawaaqeen shaqo jojin.
Dekadda ayaa ka mid ah halbawlayaashaa dakhliga soo gaala DFKMG. Iyada oo ay dekaddu haatan hoostimaado maamulka Dawladda.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale