Magaalada Gaalkacyo ee caasimada gobolka Mudug ayaa maanta degan kadib dagaal ay ku dhinteen 14 qof oo halkaasi shalay ka dhacay
Xaallada magaalada Gaalkacyo ayaa degan kadib markii shalay magaaladaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya qeybaha wada daga Galkacyo.
Ugu yaraan 14 qof oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkaasi, iyadoo dhaawacana lagu sheegay ku dhawaad 40 qof. Dagaalka ayaa shalay subaxnimadii qarxay kadib markii dowlada hoose ee Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ay bilowday inay baneyso wadooyin ku dhexyaala suuqa magaaladaasi.
Wasiirka Amniga ee dowlad-goboleedka Galmudug Cali Diiriye Aloore ayaa VOA uga waramay sababaha dhaliyay dagaalkaasi. Cali Alloore wuxuu ku eedeeyay duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamuud Xaaji inuu isagu dagaalkaasi bilaabay kadib markii uu bur-buriyay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla qeybta ay maamullaan Galmudug. Hase yeeshee Duqa Galkacyo ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamuud ayaa isna VOA uga warramay dagaalkaasi wuxuuna beeniyay eedeyntaasi loo soo jeediyay. C/raxmaan wuxuu sheegay inaysan gaadhin meelaha ay ka taliyaan maamulka kale balse kaliya ay howgallo wado bannayn ah ay ka fuliyeen meelaha hoos yimaada maamulka Puntland.
Labada wareysi ee Wasiirka Amniga Galmudug iyo Duqa magaalada Galkacyo ee qeybta Puntland midigta sare ee boggan ka dhagayso.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale