blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Soomaaliya RSS Feeds RSS

Dad loo qabqabtay Qaraxii Laascaanood

Boliiska magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa la sheegay inay soo xireen dad loo malaynayo inay ku lug lahaayeen qaraxii Laascaanood

Wadaag

Xaallada magaalada Laascaanood ayaa maanta oo isniin ah degan, waxaana la sheegay in boliisku ay soo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay inay qaraxaasi ku lug yeelan karaan.

Qaraxaasi oo maalinimadii shalay ka dhacay Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay taliyii qeybta 12-aad ee ciidamada Somaliland.

Gudoomiye-ku-xigeenka Gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhimbil ayaa VOA u sheegay in xaalladu haatan wanaagsan tahay sidoo kalena ay baadhitaano socdaan, iyadoo sidoo kalena laba koontarool ee magaaladaasi ay boliisku si taxadar leh u ilaalinayaan.

Dhinaca kale boliiska magaalada  burco ayaa sameeyey howlgallo ay ku soo qab-qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ku hawlanaayeen falal argagixiso iyo waxyaabaha qarxa. Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar ayaa VOA u sheegay in boliiska gobolkaasi ay fuliyeen howlgallo iyo baadhitaano ay ku hayeen dad ammaanka gobolka Togdheer halis ku ahaa, kuwaasoo qaarkood wali la hayo qaarna la siidaayay kadib markii lagu waayay danbiyadii lagu tuhmay.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale