Kooxda Al-Shabaab ayaa balaadhisay hanjabadeedii iyadoo ku dartay dalka Eritrea oo ay ku tilmaamtay inay cadow muslimiinta ku yihiin
Maleeshiyada Al-shabab
Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay hanjabaado hor leh, waxayna markii ugu horeysay ku dartay wadamada ay weerari doonaan dalka Eritrea oo ay ku sheegtay in Eritrea aysan saaxiib la ahayn shucuubta iyo wadamada Islaamka.
Hanjabaada maanta ee Al-Shabaab ayaa waxay ku sheegeen inay haystaan 10 gobol oo ku yaalla koonfurta Somalia, sidoo kalena ay 8-da gobol ee kale ee ku yaalla deegaanada hoos yimaada Somaliland iyo Puntland ay qabsan doonaan.
Hanjabaadan Al-shabaab ayay maanta ka hor sheegeen dadweyne mudaharaad ka hor sameeyey xarunta maamulka Al-Shabaab ee Marka.
Sh. Suldaan Maxamed Aalla Maxamed oo dadkaasi banaanbaxayay la hadlay ayaa sheegay weerari doonaan wadamo ay ka mid yihiin Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Sudan, Kenya, Uganda, Ghana iyo Isreal.
Ma aha markii ugu horeysay ee ururka Al-Shabaab ay soo saaraan hanjabaado ay ku sheegayaan inay weeraro la beegsan doonaan wadamo shisheeye. Todobaadkii hore ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay weeraro ismiidaamin ah la bartilmaameedsan doonaan wadamada Burundi iyo Uganda.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale