blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Soomaaliya RSS Feeds RSS

5 Nin oo ka soo jeeda Kililka 5aad oo lagu xidhay Bossaso

5 nin ayaa la sheegay in lagu xidhay Bossaso. warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in mid ka mid ah shantaasi ethiopia loo gudbiyay

Wadaag

Wararka ka imanaya deegaanada Puntland ayaa sheegay in 5 nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka ONLF lagu xidhay Bosaaso. Nin ka mid ah shantaasi nin ayay ururka ONLF sheegay in loo gudbiyay oo loo gacan galiyay xukuumadda Ethiopia.

Gudoomiye-kuxigeenka ururka ONLF  C/dir Xasan Hirmooge “Caddaani” ayaa xidhitaanka nimankaasi iyo gudbinta ninkaasi u sheegay VOA. Caddaani wuxuu maamulka Puntland ku eedeeyay dhacdadaasi. Mar la weydiiyay wuxuu ku xaqiijin karo ragga la xidhay wuxuu sheegay in ehelada ragaasi oo ku kala sugan gudaha Puntland iyo Yemen ay arrintaasi u xaqiijiyeen.

Magaalada Bosaaso qaar ka tirsan culuma’udiinka masaajidyada ayaa sidoo kale la sheegay inay ka hadleen xadhiga nimanka ka soo jeedda Somali galbeed.
Nabadoon C/casiis Maxamed Yusuf Afgadood oo ka mid ah Nabadoonada Puntland ayaa VOA u sheegay in odoyaasha Puntland ay ka war helleen xadhiga nimankaasi oo ay u xaqiijiyeen Odoyaal ka soo jeedda deegaanka Somalida galbeed.

Ma aha markii ugu horeeysay ee dad ka soo jeedda deegaanada Somali Galbeed la qabqabto loona dhiibo Ethiopia. Bilowgii bishan ayaa magaalada Gaalkacyo lagala baxay 3 nin oo mid ka mid ah la dhaawacay, laba kalena ilaa haatan raq iyo ruuq aan la ogeyn meesha ay ku sugan yihiin. Maammulka Puntland ayaa dhacdadaasi ku eedeyay inay ka danbeeyeen saraakiil Ethiopian ah oo soo galay gudaha Somalia.

Idaacadda VOA ayaa xiriiro kala duwan la samaysay wasiiro dhowr ah oo ka tirsan maamulka Puntland, balse dhamaantood waxay ka gaabsadeen inay arrintan ka hadlaan.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale