blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Sabti, 20 March 2010
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Nimco: Guurka askariga duruuf ayaa igu qasabtay

Nimco Cumar oo ah haweenayda wiilka u dhashay askariga AMISOM ayaa guurkeeda ku sheegtay mid ay aabaheed kubad-baadinaysay

Wadaag

Nimco Cumar Sheekh oo ah Haweenayda Soomaalida ah ee wiilka u dhashay mid ka mid ah ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Somalia ayaa wareysi ay siisay idaacadda VOA uga warantay qaabkii ay iyada iyo askarigaasi isku barteen.

Nimco Cumar waxay sheegtay in askarigaasi  uu ahaa dhakhtarka aabaheed oo xilligaasi ku jiray cusbitaal  ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen Muqdisho. Nicmo waxay sheegtay in askarigaasi daaweynta aabaheed uu ku xidhay shuruud ah inuu guursado, haddii ay ka diidana uu aabaheed ka saari doono cusbitaalka.
Nicmo Cumar waxay sheegtay in markii ay qiimaysay xaaladda aabaheed oo u baahnaa daaweyn ay askarigaasi ka ogolaatay inuu guursado, isagoo sidoo kale u sheegay inuu ahaa nin Muslim ah,

Nimco Cumar waxay sheegtay in askarigaasi kadib ay ku meheriyeen laba wadaad oo Somali ah.

Nimco Cumar waxay intaas ku dartay inay si dhuumaalaysi ah ula kulmi jirtay askarigaasi, halkaasna ay uur ku qaaday. Nicmo aabaheed ayaa kadib geeeriyooday sida VOA u sheegtay, waxayna kadib sheegtay in la ogaaday guurka iyada iyo askariga taasina ay ku qasabtay inay dalka ka baxdo oo Kampala gaadho.

Nicmo Cumar oo haatan iyada iyo wiil ay dhashay kuwada sugan dalka Uganda ayaa sheegtay inay ku faraxday kadib markii ay maxkamad ku taala Uganda ay askarigaasi ku xukuntay xadhig dhan sanad iyo badh.

Nimco  Cumar Sheekh waxay carabka ku dhufatay in xaallada nolosheedu ay aad u liidato isla markaana aanay wax taageero ah ka helin  dowlada Uganda ama jaalliyada Somalida ee Uganda degan.

Wareysiga haweenaydaasi wiilka u dhashay askariga ka tirsanaa ciidamada Uganda midigta sare ee boggan ka dhagayso.