C/raxmaan C/shakuur wasiirka Iskaashiga Caalamiga Somalia, ayaa sheegay inaan wax lacag ah oo muuqata aysan soo gaadhin dowlada KMG.
C/raxmaan C/shakuur
Dowlada KMG Somalia ayaa sheegtay inaysan ilaa haatan soo gaadhin lacag muuqato lix bilood kadib kullankii dhaqaalaha loogu yaboohay ee ka dhacay Brussels.
Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa VOA-da u sheegay in lacagihii dowladiisa loo balanqaaday ee dhamaa 52 million ee dollar ilaa haatan ay soo gaadheen lacag 3 million oo dollar ah oo 2-ka mid ah ay ka yimaadeen jaamacada Carabta , halka million ee kalena uu ka yimid wadanka Mareykanka. Wasiirku wuxuu sheegay in sidoo kale ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee ku sugan Somalia ay soo gaadheen lacago gaadhaya 32 malyuun.
C/raxmaan C/shakuu wuxuu sababaha ay lacagihii la balanqaaday u soo gaadhi la’ yihiin ku macneeyey in dhamaan wadamada deeqaha bixiya ay ku cel-celinayaan in marka hore ay tahay in dowlada KMG ay lugaheeda ku istaagto.
Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah oo ka mid ah wafdi u hogaaminayo Ra’iisul-wasaaraha Somalia ee booqanaya Europe ayaa sheegay in safarkoodu yahay sidii ay dowladaha deeqda bixiya ugu dhiirigalin lahaayeen inay ka dhabeeyaan balanqaadyadii lacageed ee dowlada Somalia loogu yaboohay, si markaasi dowlada KMG ay u kasbata dadka holwaha horyaalla u fuliso. C/raxmaan C/shakuur wuxuu xusay ayaa sheegay in wafdiga dowlada ee Yurub haatan booqashada ku maraya ay doonayaan inay aduunyada tusaan in dowlada KMG u baahan tahay in balanqaadkii laga dhabeeyo.
Wareysiga Wasiirka Iskaashiga C/raxmaan C/shakuur midigta sare ee boggan ka dhagayso.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale