Barnaamijka Faaqidaadda ee todobaadkan waxaan ku eegaynaa wararka ku saabsan dad ka soo jeedda Somali Galbeed oo lagu qabqabtay deegaanadda Puntland.
Waxaa soo if baxayay todobaadyadii dhawaa warar ku saabsan rag lagu qabtay Puntland, kuwaasoo qaarkood la sheegay in loo gacan galiyay Ethiopia. Ururka ONLF ayaa ku eedeeyay maamul-goboleedka Puntland mas'uuliyadda arrimahaasi, balse Maamulka Puntland waxay sheegtay in dadkaasi ay qabteen yihiin kuwa halis ku ah ammaanka Puntland. Sidoo kale mid ka mid ahaa 5 nin oo Puntland ku tuhuntay inay ka tirsan yihiin ONLF, dhawaana lagu qabtay Boosaaso ayaa ku geeriyooday xabsigii uu ku jiray.
Hadaba barnaamijkan Faaqidaadda waxaa arrimahaasi qaadaa dhigaya aqoonyahanada kala ah C/weli Maxamed Cali iyo Maxamed Axmed Daahir oo kala jooga Buffalo, NY iyo Minneapolis, MN
Labada qeybood ee barnaamijka midigta sare ee boggan ka dhagayso.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale