blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Banadir oo Guddoomiye Cusub Yeelatay

Eng. C/rizaq Maxamed Nur (Nuunne) ayaa maanta loo magacaabay inuu si KMG ah u hoggaamiyo maamul uu yeelanayo gobolka Banadir.

Wadaag

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Banadir, Eng. C/rizaq Maxamed Nur, oo ah waji ku cusub siyaasadda Somalia, ayaa sheegay inuu ujeedadiisa koobaad ay noqon doonto sidii uu wax uga qaban lahaa dhibaatada xagga ammaanka ee ka jirta magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Sharif oo isagu magacaabay maamulka cusub, ayaa sheegay in ujeedadu aysan aheyn dhalliil loo jeedinayo maamulkii hore, balse ay tahay in, sida uu hadalka u dhigay, dhiig cusub lagu soo kordhiyo gobolka Banadir.
Maamulkii hore ee gobolka Banadir, ee uu hoggaaminayeen Cismaan Cali (Dhagaxtuur) iyo C/fitaax Shaaweeye, ayaa lagu ammaanay inay maamul ahaan ka wanaagsanaayeen kii ka horreeyey ee Max’ed Dheere, balse wax weyn kama aysan qaban dhibaatada ammaanka.
 

Guddoomiyaha baarbalaamka Soomaaliyeed, Sh. Adan Madoobe, oo isaguna maanta hadlay madasha lagu magacaabayay maamulkan cusub ee uu yaalanayo gobolka Banadir, ayaa sheegay inuu rajeynayo in maamulkan KMG ah ay muddo kooban kusoo diyaariyaan doorasho ka dhacda gobolka, maadaama sida uu yiri caasimaddu ay maqaam gaar ah leedahay.

Maamul beddelistan cusub ayaa kusoo beegmeysa iyadoo si weyn loo hadal hayo in madaxweyne Sh. Sharif iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Sharma’arke ay goor dhow sameyn doonaan isku shaandheyn baahsan oo xagga golaha wasiirrada ah, iyo waliba inay magacaabi doonaan gudoomiyayaal gobol.
 

Faalladaada (0)

Gudbi

* * Lagama maarmaan (Required)



Marka aad isticmaalayso foomkan waxaad oggolaatay: in dhammaan macluumaadka la eegayo ka hor inta aan la daabicin. Ogoow- dhamaan qoraallada lama wada qaadan doono. VOA-du waxa ay xaq u leedahay in ay faalladaada u isticmaasho meel kasto oo ay ku leedahay hay'ad warbaahineed. Qodobada iyo shuruudaha

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale