Qofkii afraad oo Soomaali ah ee lala xiriirinayo dhallinyaro Somali-Mareykan ah oo Somalia u dagaal tagay, ayaa maxkamad lagu soo taagay Minnesota.
Cabdow Munye Cabdow, oo 26-jir ah, ayaa lagu eedeeyey inuu toddobaadkii hore kaxeeyey saddex dhallinyaro Somali-Mareykan ah, oo doonayey inay si qarsoodi ah uga dusaan soohdinta u dhaxeysa dalkan Mareykanka iyo Mexico, si ay markaas ugu sii gudbaan dalka Somalia, uguna biiraan kooxda Al-Shabaab, oo ah urur uu Mareykanku u aqoon yahay inuu yahay mid argagixiso ah.
Cabdow ayaa lagu eedeeyey inuu been u sheegay laanta dambi-baarista ee FBI-da.
Xiritaankiisuna wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo saddex nin oo kale loo hayo inay kasoo dagaallameen Somalia. Waxaana la rumeysan yahay in ugu yaraan 20 dhallinyaro Soomaali-Mareykan ah ay ku maqan yihiin Somalia, iyadoo lix kalena ay ku geeriyoodeen Somalia.
Bixitaankooduna wuxuu horseeday baaritaankii ugu ballaarnaa ee la xiriira falal argagixiso ee Mareykanka ka billowda, tan iyo weerarradii 11-kii September.
Warbixinta ku saabsan maxkamadeynta ninkaasi qeybta hoose ama midigta sare ee boggan ka dhagayso.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale