blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Maraykanka RSS Feeds RSS

12 askari oo Mareykan ah oo lagu dilay Texas

Sarkaal ka tirsan militariga Mareykanka ayaa la aaminsan yahay inuu toogasho ku dilay 12 askari oo Mareykan ah

Wadaag

Sarkaal militari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa la rumaysan yahay inuu rasaas ooda uga qaaday askar kale oo Mareykan ah oo ku sugnayd Saldhig militari oo ku yaalla Fort Hood, Texas

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Nidal Malik Xasan ayaa la sheegay inuu ahaa sidoo kale doctor militari. Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 31 askari.

Col. Nidal Malik oo ku dhashay waxna ku bartay dalka Mareykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Jordan. Sarkaalkan ayaa la sheegay in rasaastaasi uu isticlaamay laba qori oo nooca daran-dooriga u dhaca

Abaanduullaha ciidamada ee saldhiga Fort Hood, General Robert Cone, ayaa sheegay in Nidal Xasan uu rasaasta ku furay goob ay ku sugnaayeen ciidamo isku diyaarinayay in loo qaado wadamada Ciraaq iyo Afghanistan.

Ilaa haatan ma cadda sababaha sarkaalkaasi ku kalifay inuu dilkan geysto, hay'addaha ammaanka ayaa haatan wada baaritaano la xiriira dhacdadaasi.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso wareysi VOA la yeelatay Imaam Maxamed Cabqari oo ku sugan gobolka Texas kana waramaya dhacdadaasi.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale