Minnesota ayaa wali waxaa ka socda baadhitaanka ay wadaan hay'adaha ammaanka Mareykanka ee ku aadan dhalinyaradii la waaya.
Somalida Minnesota
Hay'adaha ammaanka Maraykanka ayaa wali sii wada baadhitaankii lagu waday dhalinyaradii 20-meeyada ahaa ee sida qarsoodiga uga baxay Mareykanka.
Baadhitaankan ayaa marba marka ka dambaysa yeelanaysa weji cusub.
6 ka mid ah willashaasi waa dhinteen, 3 waa xidhanyihiin intii kalena waa la la’yahay. Xadhigii ugu dambeeyey waxa uu dhacay salaasadii la soo dhaafay. Waxa la sheegayaa in ay weli si qarsoodi ah wiilal isugu deyayaan in ay wadanka ka baxaan.
Xasan Maxamuud (Xasan jaamaci) ahna qareen iyo imaamba kuna nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in diinta Islaamku dadkeeda farayso nabad ilaalinta iyo in la qaderiyo oo la tixgeliyo ammaanka guud, lagana hortago cid walba iyo qof kasta oo ka hor iman karta.
Waxa uu sheegay Xasan Jaamaci in Somaliada looga baahan inay ka faa’iidaystaan fursadaha ay haystaan oo wax bartaan. Jaamici wuxuu FBI-da ku booriyay inay bartaan dhaqanka Somalida si markaasi la isaga kaashado wixii dhibaato ah ee Mujtamaca ku imaan kara.
Xasan Jaamici wuxuu uu ku guubaabiyey dadka Soomaaliyeed in ay sharciga Maraykanka aad u dersaan si ay xuquuqdooda u ilaashadaan.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale