blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Afrika RSS Feeds RSS

Kenya oo Qirtay in ciidamo loo qoray dowlada Somalia

Wasiirka Difaaca Kenya Yusuf Xaaji ayaa qiray in ciidamo loo qoray dowlada Somalia, balse ku tilmaamay inay ahayd qalad dhacay.

Wadaag

Wasiirka Difaaca Kenya

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Difaaca Kenya Yusuf Xaaji Maxamed ayaa qiray in ciidamo laga qoray gudaha Somalia, balse wuxuu carabka ku dhuftay inay taasi ku dhacday qalad ka yimid mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia.

Yusuf Xaaji Maxamed, wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta dowlada Somalia ay si qalad ah dhalinyaro uga qoreen gudaha Kenya, iyadoo markaasi looga fadhiyay inay dalkooda ka keenaan ciidamo loogu tababaro gudaha Kenya. Wasiirka Gaashaandhigu wuxuu sheegay in dhamaan dhalinyarada sida qalad ah lagu qoray ee u dhashay dalka Kenya dib loo celiyay oo arrintaasi la joojiyay haatan.

Wasirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji oo wareysi siiyay Idaacadda VOA ayaa sheegay inuu jiro dadaal ay beesha caalamka ku doonayso inay dib-ugu dhisto ciidankii Somalia, Kenya-na iyadoo qeyb ka ah beesha caalamka, IGAD iyo midowga Afrika ay dowlada Somalia ka caawinayso sidii loo tababari lahaa ciidankeeda.

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaaji Maxamed, wuxuu sheegay inaan war ka hayn wararka sheegaya in dhalinyaro Kenya ah ay ku biireen kooxaha dagaalka ka wada Somalia.

Wareysiga wasiirka Difaaca Kenya midigta sare ee boggan ka dhagayso.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale