blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho

Wadaag

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Dawladda ayaa ku dhintay Laba qarax oo culus oo Talaadadii maanta  ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxa hore ayaa waxa uu kadhacay agagaarka Dugsigii 21 October, qaraxa labaad ayaa ka dhacay Degmada Wadajir.

Qaraxa hore ayaa loo adeegsaday miinooyinka lahago waxaana loo waday Baabuur ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa DFKMG hase ahaatee waxa uu qaraxu qabsaday gaari ay wateen dad rayid ah iyadoo halkaasina uu dhaawac ka soo gaaray  seddax qof oo uu mid kamid ah uu yahay askarta dowladda kumeel gaarka

Qaraxa labaad oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka DFKMG oo marayey deegaanka xoosh ee degmadda wadajir, waxaanna halkaasi kugeeriyooday ilaa seddax askari oo ka tirsan ciidamadda dowladda waxaana ku dhaawacmay 8 askari kuwaasoo dhaawacooda la dhigay isbitaalka Madiina ee magaaladda Muqdisho.

Askarta dhaawacmay ayaa waxaa kujira sarkaalkii hogaaminayay ciidamadaasi bamka lala eegtay kaasoo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdulle.

 

 

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale