blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Dawladda oo Heshiis La Gashay Shirkad Hanti-dhawr oo Caalami ah

Wadaag

Dawladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad caalami ah oo qaabilsan hantidhowrka oo maamulaysa dhaqaalaha ay beesha caalamku ugu deeqdo Soomaaliya. Heshiiskaasi waxaa Soomaaliya u saxiixay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Shariif Xasan Sh. Aadan.

Hehsiiska ay dawladdu la gashay shirkadda PricewaterhouseCoopers ayaa la xiriira sidii ay shirkaddaasi ay  xisaabin iyo hanti dhowr ugu samayan lahayd dawladda.

Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh Adan oo u warramay VOAda ayaa difaacay heshiiiskaasi oo ay maanta oo isniin ah wada saxiixdeen labada dhinac oo uu sheegay in ujeedadiisu tahay in maadaama maamulka lacagaha baaxadda leh ay in mudo ah ka maqnayd Soomaaliya, in maaliyadda ay mamausho shirkadaasi oo saldhigeedu yahay dalka Kenya.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in go'aamada maamulka iyo sida lacagtaasi loo bixiinayo ay ka iman doonaan madaxda Soomalaiya, balse shirkadda looga baahan yahay xisaabinta iyo hanti-dhowrka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu sheegay in arrintani ay ka dmabaysya markii dawladda loogu yaboohay dhaqaale badan oo gaadhaya ilaa 75 milyan oo doollar intii uu socday shirkii lagu qbatay magaalada Brussells bishii April ee sannadkan.

Dhinaca kalena Wasiirka Maaliyaddu waxa uu meesha ka saaray in dawladdu ay wadahadallo la gasho ururka Al-Shabab, Waxa uu sheegay inay dawladda dhibaato ku tahay inay wadahadal la gasho cid ana wadan ajande Soomalaiyeed.Waxa uu ku eedeeyey ururka Al-Shabab inay horseed ka yihiin ururka Al-Qaacida.

Waraysiga Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ka dhegayso midigta sare ee boggan.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale