blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 10 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Dastuurkii Puntland oo La Ansixiyay

Wadaag

Barlamaanka Dawlad-goboleedka Puntland ayaa maanta ansixiyay datuur sannado badan dib uga dhacacay xilligii la filayay. Dastuurkan ayuu qorshuhu yahay in ay Puntland uga gudubto maamulka ku dhisan dhaqanka una gudubto ismaamulka casriga ah.

Dastuurkan waxa lagu saleeyay nidaamka federaalka, waxana soo baxaya tuhun ay dadka qaarkii ka qabaan in Puntland u jihaysato goosasho.

Qodobada dadku su’aalaha iska waydiinayaan ayaa waxa ka mida kuwa khuseeya magaca maamulka oo dastuurkan cusub ku noqon doona “Dawladda Puntland” halka uu markii hore ka ahaa Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sidoo kale dawladdaas waxa ay yeelan doontaa calan iyo astaan u gaar ah.

Wasiiru-dawlaha Dastuurka iyo Xiriirka Arimaha Federaalka ee Dawlad-gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdi Xasan Jimcalae ayaa VOA-da u sheegay in ayan waxba ka jirin doodda ah in Puntland ay doonayso in ay ka go’do Soomaaliya, waxase uu sheegay in ay Puntland ku qanacsan tahay nidaamka federaalka, sidaas darteedna arimaha khuseeya magaca, calanka iyo astaantuba in ay caadi ka yihiin dawladaha isticmaala nidaamkaas.

Dr. Jimcaale, waxa uu sheegay in ay ka qayb-qaadan doonaan maamul ahaan qorista dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, arimahaasna ay xiriir fiican kala leeyihiin hogaanka Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah. Waxa uu sheegay in marka laga reebo nidaamka guud ee Federaalka, in wixii intaa ka sokeeya ay Puntaland diyaar u tahay in ay wada-xaajood iyo gor-gortan ka gasho.

Waraysiga Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Puntland Dr. Cabdi Xasan Jimcaale ka dhagayso midigta sare ee boggan.

Faalladaada (0)

Gudbi

* * Lagama maarmaan (Required)



Marka aad isticmaalayso foomkan waxaad oggolaatay: in dhammaan macluumaadka la eegayo ka hor inta aan la daabicin. Ogoow- dhamaan qoraallada lama wada qaadan doono. VOA-du waxa ay xaq u leedahay in ay faalladaada u isticmaasho meel kasto oo ay ku leedahay hay'ad warbaahineed. Qodobada iyo shuruudaha

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Spotlight on Somalia

VOA English series on Somalia

Warkii oo dhan

Ku soo dhawaada bogga cusub ee VOA-Somali

Bogga VOA-Somali, waxaa lagu sameeyay dib u habayn iyo casriyayn, waxaad ka heli doontaan Wararka, Barnaamijyada, idinka oo si fudud u dhegaysan kara Barnaamijyada kala duwan ee kabaxa Laanta Af Soomaaliga ee VOA. Boggan cusub waxaa uu idiin ogolaanayaa inaad noo soo gudbisaan fikradihiina, idinka oo faallo ka bixin kara Wararka iyo Dhacdooyinka Caalaamka.

Fikradihiina waxaad noogu soo gudbin kartaan: somali@voanews.com