Dalalka Carbeed ee kulaala Badda Cas Iyo Gacanka Carbeed ayaa maanta oo Isniin ah Magaaladda Riyaad ee Sucuudiga isugu yimid shir ku saabsan Sugidda amaanka Badda Cas , Kulankan ayaa lagu heshiiyay samaynta ciidan Carbeed oo ilaaliyaha Badda Cas.
Kulankan oo isla maanta la soo gabagabeeyay ayaa looga hadlay halista Burcad Badeedda Xeebaha Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa.
Shirkan oo ay isugu yimaadeen Khubaro Milatari iyo Rayid isugu jira oo ka socota 12 waddan oo carbeed ayaa la iskula eegay sida ay u wada shaqayn karaan ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan iyo ciidamada Carbeed ee dalalka kulaala Badda Cas.
Wakiilada ka socday dalalka ka soo qayb galay kulanka maanta ayaa muujiyay walaaca ka dhalan kara ciidamada tirada badan ee caalamiga ah ee ku sugan biyaha Badda Cas iyo weliba Burcad-Badeedda khatarta ku ah marinka isku xira Badda Cas iyo Gcanka Cadmeed.
Isku-duwana xafiiska la dagaalanka Burcad-Badeedda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamed Idris Faarax oo ka mid ah wafdiga Jmahuuriyadda Jabuuti uga qayb galay kulanka Riyaad ayaa VOAda u sheegay in la isla meel dhigay baahida loo qabo ciidan isku dhaf ah oo ka socda wadamada carabta oo ilaalaya Badda Cas, waxaana la isla gartay sida uu Mr Idiris sheegay in wakhti kale loo ballamo si looga wada hadlo tirada Ciidankaasi iyo Kharashka ku Baxaya.
Faahfaahinta Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso midigta sare ee boggan
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale