Barnaamijka Faaqidaadda oo uu todobaadkan noo soo diyaariyay Cali Cabdi Xadhaadhe ayuu waxa lagu lafa-gurayaa bal fursadaha ay ku badbaadi karto midnimadii Soomaaliya, iyada oo maalmahan lagu jiro, Todobaadkii Xoriyadda.
Barnaamijka oo ka kooban laba qaybood, waxa ka qayb-galaya aqoonyahannada kala ah: Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamed iyo Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar.
Midigta sare ee boggan kaga bogo labada qaybood ee Faaqidaadda.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kaleBogga VOA-Somali, waxaa lagu sameeyay dib u habayn iyo casriyayn, waxaad ka heli doontaan Wararka, Barnaamijyada, idinka oo si fudud u dhegaysan kara Barnaamijyada kala duwan ee kabaxa Laanta Af Soomaaliga ee VOA. Boggan cusub waxaa uu idiin ogolaanayaa inaad noo soo gudbisaan fikradihiina, idinka oo faallo ka bixin kara Wararka iyo Dhacdooyinka Caalaamka.
Fikradihiina waxaad noogu soo gudbin kartaan: somali@voanews.com