blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 10 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Wicitaanka Dhagaystaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Sh. Adan Madoobe

Wadaag

VOA-dana kala soco

Guddoomiyaha Barlamaanka Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur, oo loo yaqaan Sheekh Adan Madoobe ayaa difaacay go'aankii ay xukuumaddu ku gaartay in ay codsato faragalin millatari, kadib markii uu dagaal culus kaga yimid kooxaha ka soo horjeeda oo garabsanaya waxa ay ugu yeereen ajaanib soo duulay.

Guddoomiye Adan Madoobe, oo ka hadlayay barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha oo maalin walba oo Axad ah ka baxa VOA-da ayaa sheegay in caalamku haatan garawsaday khatarta ka jirta Soomaaliya oo in badan laga digay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in tan iyo markii ay soo saareen baaqooda ay jawaab lagu qanco ay ka heleen beesha caalamka, isaga oo meesha ka saaray in ay ku hungoobeen codsigoodii.

Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkii hore saxiixay guddoon oo soo hordhigay golaha xukuumadda kaasoo dalka galinaya xaalad deg-deg ah isla markaana ay xukuumaddu ku codsatay in gacan millatari laga siiyo dagaalka ay kula jirto kooxaha mayalka adag ee dagaalka kula jira.

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha oo Dhamaystiran ka dhagaysto midigta sare ee boggan.

Faalladaada (0)

Gudbi

* * Lagama maarmaan (Required)



Marka aad isticmaalayso foomkan waxaad oggolaatay: in dhammaan macluumaadka la eegayo ka hor inta aan la daabicin. Ogoow- dhamaan qoraallada lama wada qaadan doono. VOA-du waxa ay xaq u leedahay in ay faalladaada u isticmaasho meel kasto oo ay ku leedahay hay'ad warbaahineed. Qodobada iyo shuruudaha

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Spotlight on Somalia

VOA English series on Somalia

Warkii oo dhan

Ku soo dhawaada bogga cusub ee VOA-Somali

Bogga VOA-Somali, waxaa lagu sameeyay dib u habayn iyo casriyayn, waxaad ka heli doontaan Wararka, Barnaamijyada, idinka oo si fudud u dhegaysan kara Barnaamijyada kala duwan ee kabaxa Laanta Af Soomaaliga ee VOA. Boggan cusub waxaa uu idiin ogolaanayaa inaad noo soo gudbisaan fikradihiina, idinka oo faallo ka bixin kara Wararka iyo Dhacdooyinka Caalaamka.

Fikradihiina waxaad noogu soo gudbin kartaan: somali@voanews.com