blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Congreska oo Fadhi Ka Yeeshay Soomaaliya

Wadaag

Guddiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka ayaa shalay Khamiistii, xaruntiisa Washington ku qabtay fadhi ay ka yeesheen arimaha Soomaaliya.Fadhigaas ayaa waxan ka soo xaadirin Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda la baxday Soomaaliland.

Fadhiga oo uu furay guddoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Donald Payne ayaa waxa ka hor hadlay, kana warbixiyay arimaha Soomaaliya mas’uuliyiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Madxwaynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Axmed Wald Cabdalla oo ah wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Dr Crispus kiyonga iyo Ciid Baddal oo ah Danjire ku-xigeenka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Ka hor inta ayan mas’uuliyiintaasi soo bandhigin warbixintooda, ayaa waxa golaha markhaati ahaan uga hor-hadlay Dr. Ted Dagne oo ku takhasuusey arrimaha Afrika kana tirsan Xarunta Cilmibaarista ee Congresska iyo Dr. Peter Pham oo ah bare Cilmiga Sayniska ka dhiga Jaamacadda James Madison. Waxay faahfaahin ka bixiyeen xaaladda ay Soomaliya ku sugan tahay ayagoo diiradda saarey dhibaatooyinka ka taagan kooxaha xag-jirka iyo tuhunka laga qabo in kooxda Al-Qaacidda falal argagixiso ka qorsheynayso gudaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Donald Payne ayaa kalmaddiisii furitaanka si kulul uga hadley cudurdaarka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda la magacbaxdey Soomaaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isgu codsadey in guddi gaar ah loo sameeyo Soomaaliland maadaama ayan rabin in ay meel la fariisato dowladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland.Mr. Payne ayaa codsigaas ku tilmaamey mid aan la aqbali karin oo ka soo horjeeda ujeeddada laga leeyahay dhageysiga oo dhan.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbixin buuxda oo ay Idil Cabdi Cismaan ku eegayso fadhigaas iyo wixii ay ka hadleen mas’uulyiintii goobta isugu timid. 

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale