blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Axad, 22 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Xisbul Islam Oo Dil Ka Fuliyey Afgooye

Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyey mid ka mid ah maleeshiyadooda degmada Afgooye

Wadaag

Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabdilqaadir Maxamed Cabdi oo 25 sano jir ah ayaa garsoore ku sugan degmada Afgooye uu ku helay inuu labadii bishan Noofembar uu dil u gaystay nin Kalkaaliye Caafimaad ah oo si weyn looga yaqaano degmada Afgooye laguna magacaabo Cusmaan Sagaarre.

Ciidamada ururka Xisbul Islaam ee ku sugan degmada Afgooye ayaa ninkaasi saaka keenay goob fagaare ah oo ku taalla degmadaasi oo ay iskugu soo urureen boqollaal dadweyne ah.

Madaxa Garsoorka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye Sheekh Cusmaan Maxamed Fiidow ayaa ku dhowaaqay xukunkaasi dilka ah. Intaas kadibna waxaa rasaas oodda looga qaaday ninkaasi lagu xukumay xukunka dilka ah.

Wararka qaar ayaa sheegay in ehelada marxuumka dhintay ay ka qaybqaateen toogashada ninkaasi, hase yeeshee ururka Xisbul Islaam weli taasi si rasmi ah uma caddaynin.
 

Faalladaada (0)

Gudbi

* * Lagama maarmaan (Required)



Marka aad isticmaalayso foomkan waxaad oggolaatay: in dhammaan macluumaadka la eegayo ka hor inta aan la daabicin. Ogoow- dhamaan qoraallada lama wada qaadan doono. VOA-du waxa ay xaq u leedahay in ay faalladaada u isticmaasho meel kasto oo ay ku leedahay hay'ad warbaahineed. Qodobada iyo shuruudaha

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale