Sarkaal sare oo Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa u goostay dhinaca dowladda KMG ah. sarkaalkan ayaa wareysi dheer siiyay VOA
Dowladda KMG ee Somalia ayaa maanta soo bandhigtay sarkaal sare oo ka soo goostay ururka Al-Shabaab.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Sheekh Maxmed Sheekh C/laahi (Pakistaani) ayaa muddo haatan laga joogo bil ka soo baxsaday Al-Shabaab. Sarkaalkan oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa kaga warramay waxyaabihii ku qasbay inuu ka soo tago ururka Al-shabaab.
Sh. Maxamed wuxuu sheegay in go'aammadii qaar ka tirsan culumada Somaalidu ay ka soo saareen dowladda Somalia ee ay ku sheegeen in dowladu Islaam tahay ay isaga saameyn weyn ku yeelatay, taasoo ku qasabtay sidii uu Al-Shabaab uga bixi lahaa. Sarkaalkan wuxuu sheegay in Al-Shabab ay cullumo waaweyn oo Somalia laga qadariyo ay ku sheegeen inay gaallo yihiin.
Taliyahan wuxuu xusay inuu si weyn uga horyimid qaar ka tirsan fikradaha ururka Al-shabaab ay isticmaallaan sida isqarxinta iyo gowraca ay u geystsaan dadka ay qabtaan, wuxuuna Sheekhu sheegay in dhamaan fikiradaasi ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn diinta Islaamka.
Taliyahan ka soo goostay ururka Al-Shabaab wuxuu wareysi dheer oo uu siiyay VOA ku sheegay in ururka Al-Shabaab ay la joogaan, hogaankiisa sarena ay ka mid yihiin ajanabi kala duwan oo kakala yimid wadamo badan.
Sarkaalkan wuxuu wareysiga VOA uga xog-warramay qaabka ay u dhisan yihiin Al-Shabaab iyo ujeedooyinkooda.
Hadaba Wareysigaasi oo dheer midigta sare ee boggan ka dhagayso.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale