Ehelka Suldaan ka tirsan salaadiinta Puntland ayaa sheegay in Suldaan C/casiis Afgaduud lagu xiray xabsiga Boosaaso.
Suldaan caan ka ahaa Puntland ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay kadib markii uu Warbaahinta la hadlay.
Ehelka Suldaankan oo lagu magacaabo C/casiis Yuusuf Maxamud Afgaduud ayaa xaqiijiyay in boliiska magaalada Boosaaso ay saaka xabsiga u taxaabeen Suldaan Afgaduud kadib markii ay ku eedeeyeen inuu warbaahinta u sheegay xadhig Puntland ay u geystay 5 nin oo lagu tuhmay inay ka tirsanaayeen ururka ONLF oo la sheegay in lagu xidhay gudaha Puntland. Boliiska Puntland ilaa haatan iyagu kama aysan hadlin xadhiga suldaankaasi.
Dhinaca kalena Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa si ku cel-celis ah isugu dayday inay hesho mowqifka mas'uuliyiinta Puntland ee dhacdadan, hase yeeshee taasi ma suuro galin.
Nabadoon ka tirsan Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa xaqiijiyay xadhiga Suldhaanka, sidoo kale Suldaan C/dir Ciise Axmed oo ka soo jeedda Puntland kuna sugan London ayaa isna ka hadlay xadhiga Suldaan Afgaduud.
Suldaan C/dir Ciise wuxuu canbaareeyey xadhigaasi, wuxuuna maamulka Puntland ku canbaareeyey inuu wado caburin ka dhan ah xoriyatul qowlka.
Maamulka Puntland ayaa waqti hore ku amray ciidamadooda ammaanka inay soo qabtaan ayna su'aallo weydiiyaan cid kasta oo lagu tuhmo inay khal-khal galinayso ammaanka Puntland.
Boliiska Bosaaso ayaa sidoo kale maanta xabsiga dhigey nin la sheegay inuu bartmaha Bosaaso dil ka gaystay
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale