Madaxweynaha Somalia Sheekh Sharif Sh. Axmed ayaa maanta shir jaraaid uga hadlay hadallo muran dhaliyay oo uu dhawaan warbaahinta ka sheegay.
Madaxweynaha Somalia Sheikh Sharif Sh. Axmed ayaa shir jaraa’di oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in si khaldan loo turjumay ama loo fahmay hadallo uu dhawaan warbaahinta ka sheegay.
Ahlu Sunna Wal Jamaaca
Sheikh Shariif, wuxuu sheegay inay nasiib daro tahay sida ay Ahlu Sunnah hadalkiisa u fahmeen, isagoo sheegay inuu hadalkiisa uu uga hadlay sida Somalia maanta ay ugu baahan tahay inay ka gudubto jabhadnimo oo u gudubto dowladnimo. Sheikh Sharif wuxuu yiri “Qof kasta oo aan magac dowladeed ku joogin oo urur ahaan u abaabulan oo hubaysan hadana dagaallamaya ma jiro magac aan ugu yeero oo aan ahayn jabhad” Madaxweyne Sharif wuxuu kaloo yiri “Ciidan dowladeed wax aan ahayn oo hubaysan ama ciidan qabiil ayay ahaan karaan ama jabhad.” Sheekh Shariif wuxuu sheegay in Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay iskaashi leeyihiin oo wadashaqeeyaan, isla markaana aysan la mid ahayn kooxaha kale ee dowladda dagaalku kala dhaxeeyo.
Somaliland
Madaxweynaha Somalia Sh. Sharif wuxuu sheegay inuu maqlay in Somaliland ay ka xanaaqday hadalkii uu dhawaan sheegay, balse wuxuu xusay in isagu uu ka hadlay oo kaliya midnimo Somalia ay gaarto, midnimadaasi sida kaliya ee lagu heli karo ay tahay walaaltinimo. Shariif wuxuu xusay in dalkoo dhan ay dhibaatadu wada saamaysay oo kooxdii si gaar ah wax u tabanaysa ay dowladiisu diyaar u tahay inay kala xaajooto.
Puntland
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay kullankii aan natiijaddu ka dhalan ee uu la qaatay C/raxmaan Faroole madaxwenaha maamulka Puntland. Sheekh Sharif wuxuu carrabka ku dhuftay in C/raxmaan Faroole uu kullankaasi so bandhigay qodobo uu doonayay in loo hirgaliyo, wuxuuna Sharif sheegay inay Puntland u sheegeen in dowladiisu diyaar u tahay inay qodobadaasi fuliso haddii ay waafaqsan yihiin axdiga KMG ah. Sheekh Shariif wuxuu sheegay in Axdiga KMG uu qeexayo ama uu xaddidayo awooddaha dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, haddii loo baahdo in la badallana ay tahay in dhamaan dhinacyada axdiga sameeyay ay isku af-gartaan
Madaxweynaha Somalia wuxuu xusay inuu aad uga xumaaday hadalladii uu C/raxmaan Faroole warbaahinta u sheegay kullankaasi kadib, kuwaasoo uu ku daray hadallo aanay labada dhinac kullankooda isla soo qaadin sida ayuu yiri in dowladiisu aanay ogoleyn horumarka Puntland iyo in la xaqirayo, balse wuxuu Sh. Shariif yiri " Puntland ma xaqirrayno balse waxaan u arragnaa inay tahay meel aas-aas u ah dowladda dhexe oo taageeri siin karta dowladiisa sidii ay u ka horeba u taageertay dowladdii C/laahi Yusuf"
Sh. Shariif wuxuu sidoo kale shirkaasi jaraa’id uga hadlay qodobo ay ka mid yihiin; Ururka Al-Shabaab iyo amarrada uu ka soo saaray dharka haweenay xirtaan. Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay caruurta askar ahaanta loo qoro gaar ahaan kuwa dibeddaha uga imanaya Somalia, wuxuuna sheegay in ay tahay waajib diini ah in ubadka la daryeelo.
Warbixinta Shirka Jaraaid ee Sh. Shariif midigta sare ee boggan ka dhagayso.
Waa barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan dhalinyarada maanta iyo dagaallada.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale