Dalka Soomaaliya ayaa 21-ka Noofembar looga dabbaaldegay maalinta macallinka iyadoo munaasabado si weyn loo soo abaabulay lagu qabtay meleo kala duwan oo ku yaalla dalka.
Sannad waliba maraka ay bishu tahay 21-ka November waxaa loo dabaal dagaa maalinta macallinka Soomalaiyeed.
Shalay oo ku beegneyd maalintaasi ayay macallimiinta Soomaaliyeed siyaabo kala duwan ugu dabaal dageen xuska maalintaasi qiimaha ugu fadhida.
Maxamed Xasan Maxamud waa macallin muddo 30 sano ku dhow wax u soo dhigayay arday kala duwan oo isugu jira soomaali iyo ajaanib, waxaana uu wax ka soo dhigay qaar ka mid ah dugsiyadii waaweeynaa ee ku yiillay magaalada Muqdisho iyo hadda oo uu wax ka dhigo dugsi ku yaalla magaalada Minneapolis, gobolka Minesota ee dalkan Maraykanka.
Caasha Ibraahim ayuu uga warramay muddadii uu macallinka soo ahaa sida uu u dareemayo maalinta macallinka soomaaliyeed ee 21-ka November.
Waa barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan dhalinyarada maanta iyo dagaallada.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale