blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Arboco, 10 February 2010
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Minnesota: Nin Somali ah oo dacwad lagu soo oogay

Maxkamad Federaali ah oo ku taal Minnesota ayaa dacwad ku soo oogtay nin Somali ah oo lagu eedeeyey shirqool.

Wadaag

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cumar Cabdi Maxamed ayaa maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka ay ku oogtay dacwad ah shirqoolid taageerro maaddi ah oo la siiyo argagixisada.

Ninkan ayaa noqonaya kii toddobaad ee dacwad lagu soo oogo arrinta la xiriirta dhalinyarada Soomaalida ah ee u safartay Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Al-Shabab.

Cumar Cabdi oo sidoo kale loo yaqaano (Brother Omer) ama (Galeyr) ayaa sidoo kale lagu eedeyay shirqoollo la rabo in lagu dilo ama lagu afduubto amaba lagu naafeeyo dad degan meel ka baxsan Mareykanka.

Dacwadaan lagu soo ogay Cumar Cabdi waxa ay ka mid tahay talaabooyinka ugu sarreeya ee ay hay’addaha danbibaarista Mareykanka ay ku baadhayaan dhalinyarada Soomaali-Mareykanka ahi.

Qoraalka dacwada ee maxkamada loo soo gudbiyay ayaa waxaa kale ku qornaa magacyada lixda wiil ee Cumar lagu eedeyay inuu caawiyay oo uu ku jiro Shirwac Axmed oo ay dawlada Mareykanka aaminsan tahay inuu yahay qofkii ugu horeyay ee heysta dhalashada dalka Mareykanka isla markaasina isku miidaamiyay waqooyiga Soomaaliya bishii October ee
sanadkii la soo dhaafay.

Markii maxkamada la horkeenayay, Cumar Abdi waxaa wehelinayay xaaskiisa iyo wiil yar oo uu dhalay.Markii ay dhageysiga dacwada dhamaatay ayaa garsooraha maxkamada ku
dhawaaqay in Cumar la sii deyn karo, laakiinse loo baahan yahay in kor lagala socdo, isla markaasina aanu ka bixi karin gobolkaan Minnesota, baasaboorkiisa socdaalkan uu iska soo wareejiyo.

Ilaa iyo hada ma cadda qofkii diray dhalinyaradaan Soomaali Mareykanka ah oo qaarkood lagu dilay Soomaaliya laakiinse qaar ka mid bulshada Soomaaliyeed ayaa aaminsan inay iskooda u baxeen.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Afti

Sideed u aragtaa xariga xildhibaannada ee Kenya?

Natiijada Eeg »

Dhalinyarada Maanta & Dagaallada

Dhalinyarada & Dagaallada

Waa barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan dhalinyarada maanta iyo dagaallada.

Sanad kadib Doorashadii Shariif

Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Cabista Sigaarka