Saxaafadda iyo sida dheellitiran ee ay wax uga tebin karto dadka naafada ah ayaa ah halku-dhegga siminnaar ka socda magaalada Machakos oo dhinaca Bari kaga toosan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Magaalada Machakos eek u taalla Batiga magaalada Nayroobi ayaa maanta lagu soo gabagabaynayaa siminnaar ay lahaayeen 35 suxufiyiin u dhashay dalka Keenya oo looga hadlayay sida warbaahintu wax uga tebiso dadka naafada ah. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda caalamigaa ah ee Handicap International ayaa mowduuca gundhigga u ah uu yahay sida ugu dheellitiran ee ay saxaafaddu aaladaha warbahainta uga qaybgeliso dadka naafadaha ah, dadkaais ha ahaadaan kuwa laxaadka la' ama kuwa qaba cudurka HIV/AIDS.
Shirkaasi waxaa ka qaybgalaya laba ka mid ah suxfiyiinta Soomaalida ah ee Kenya, waxaana ka mid ah Daa’uud Sheekh Yuusuf oo ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters. Khadka telefoonka ee Machakos ayaa Haaruun Macruuf uu ku weydiiyey in saxaafaddu sidii laa rabay aaladaha warbaahinta uga qaybgeliso dadka naafada ah.
Waraysigan ka dhagayso dhinaca midig ee kore
Waa barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan dhalinyarada maanta iyo dagaallada.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale