blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Talaado, 24 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Somaliland: Guddigii doorashada oo la dhaariyay

Xubnaha guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa maanta lagu hor dhaariyey Madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyayasha mucaaradka

Wadaag

Xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu dhaariyay 7-da xubnood ee dhawaan loo magacaabay inay noqdaan guddiga doorashada Somaliland.

Dhaartaasi waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale iyo gudoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka Kulmiye Axmed Siilaanyo iyo Ucid Faysal Cali Waraabe.

Madaxweyne Rayaale iyo labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaradku waxay xubnahaasi kula dar-daarmeen inay fuliyaan howlaha baaxada leh ee horyaala, isla markaana si cadaalad ah oo wadajir ah iskula shaqeeyaan.

Xubnahan guddiga cusub ee guddiga doorashada Somaliland oo ay liiskooda soo gudbiyeen sadexda xisbi ee Somaliland, Madaxweye Daahir Rayaalena uu aqabalay ayaa waxaa dhawaan ansixiyay Golaha wakiilada Somaliland.

Ansixinta iyo dhaarinta guddigan cusub ayaa timid kadib markii deeq bixiyayaashu ay Somaliland ka codsadeen in la badallo xubnihii hore ee guddiga doorashooyinka.

Guddigan cusub ayaa haatan looga fadhiyaa inay gudagalaan diyaarinta iyo isku dubarida doorashooyin ka dhaca Somaliland oo muddaba dhowr jeer oo hore baaqday.

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale