blank

Codka Maraykanka ▪ SomaliVOA.com

Wararka aad ku kalsoon tahay

About VOA | Nala soo xiriir

  • Axad, 22 November 2009
  • Wararkii ugu dambeeyay

Wararka RSS Feeds RSS

Kongareeska oo Ansixiyey Daryeel Caafimaad

Aqalka Wakiilada ee Kongareska Mareykanka ayaa xalay ansaxshay sharci dib loogu habaynayo daryeelka caaafimaadka Maraykanka.

Wadaag

Kongareeska oo ay aqalibiyad weyn ku leeyihiin xildhibaanada xisbiga Dimoqraadiga ayay xaley u suurtogashay inay ansaxshaan qorshahan daryeelka caafimaadka oo xambaarsan in ka badan hal tirilyan oo doolar oo nidaamka Caafimaadka ee Mareykanka lagu hagaajinayo.

Tiro ku dhow afartan mudane oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadigu ay xisbigooda ka soo horjeesteen waxayna la codeeyeen xisbiga Jamhuurigii oo diidanaa biilkan xaley la ansaxshey, laakiin dhinaca Jamhuuriga dhammaan xildhibaanadoodu markii laga reebo mid kaliya wey ka soo horjeesteen ansaxinta sharcigan lagu dhaqan galinayo nidaam caafimaad oo dad badan u ogolaada in ay helaan kaalmo caafimaad.

Xildhibaanada aqalka wakiilda oo Aqalka Capitol Hillka ku wada dhamaan waxa tiradoodu aheyd 435 xildhibaan. Markii codeyntii dhammaatey waxa  “Haa” ku codeeyey 220 ka mid ah xildhibaandaas, halka ay 215 ka soo horjeesteen.

Inkastoo codadku ay aad iskugu dhawaayeen, haddana xisbiga Dimoqraadiga waxa ay awood u yeesheen in ay helaan in ka badn 218kii cod ee ay uga baahanaayeen in sharcigan uu Aqalka Hoose uga soo ansaxmo.

Intii aan xaley loo codeyn hannaanka caafimaad ee Xibiga Dimoqraadigu soo bandhigey waxa loo codeey hindise ay soo bandhigeen xisbiga Jamhuuriga kaas oo laga guulaystay ka dib markii codeyntu u dhacdey 258 tiri “Maya” , halka ay 176 raiya ay “Haa” yiraahdeen.

Madexweyne Obama oo arinkan dartii uga soo laabtaey fasax uu ku qaadanayey xerada Camp David ee ku taal duleedka waqooyi ee gobolka Maryland ayaa codbixintii xaley ku sheegey fursad taariikh ah oo lagu hagaajin karo nidaam caafimaad oo burbursan.

Dhinaca kore ee midigta ka dhagayso warbixintan oo maqal ah.
 

Faalladaada (0)

Gudbi

* * Lagama maarmaan (Required)



Marka aad isticmaalayso foomkan waxaad oggolaatay: in dhammaan macluumaadka la eegayo ka hor inta aan la daabicin. Ogoow- dhamaan qoraallada lama wada qaadan doono. VOA-du waxa ay xaq u leedahay in ay faalladaada u isticmaasho meel kasto oo ay ku leedahay hay'ad warbaahineed. Qodobada iyo shuruudaha

Dhageysiga Idaacaddaha

6.30 am (WM) (MP3)

4.00 pm (WM) (MP3)

7.00 pm (WM) (MP3)

8.00 pm (WM) (MP3)

 

Afti

Guddiga cusub doorasho ma ka hirgalin doonaa Somaliland

Natiijada Eeg »

Newsmaker in English

Somali news in English

Faahfaahin dheeraad ah

Kuwa loogu akhriska badan yahay

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha

Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.

Kuwa kale