Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa bartmaha magaalada Boosaaso ku toogtay sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Puntland
Magaalada Boosaaso wararka ka imanaya ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka sirdoonka Puntland xalay la toogtay.
Nimankii dilkaasi geystay ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobtii ay ninkaasi ku toogteen. Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in ciidamada ammaanku ay goobtaasi goor danbe soo gaareen.
Dilka sarkaalkan ka tirsanaa ciidanka sirdoonka Puntland ayaan ilaa haatan la ogeyn sababta ka danbeysa. Dilkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeenadii ugu danbeeyey qaar ka tirsan saldhigyada bileyska ee Boosaaso lagu bartilmaameedsanayay qaraxyo aan la ogeyn cidda geysanaysa.
Waa Barnaamij ay Dhagaystayaashu su'aallo ku weydiiyaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.
Kuwa kale